1146 Views

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo baaq kasoo saaray colaada Galmudug

____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 3, 2021—-Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa baaq deg deg ah waxaa uu kasoo saaray xiisadaha dagaal ee kasoo cusboonaaday degaannada Galmudug, kuwaas oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo kuwa taabacsan Ahlusunna Wal-jamaaca.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Guddiga Ismaaciil Macalin Muuse ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin lana qeyb sanayaan Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ka dhalatay colaadaha goobaha ay kajiraan, waxaana ay ku baaqeen in colaada la joojiyo, isla markaana xal laga gaaro dhibaatadii shacday.

“Dagaalkaan wuxuu kusoo aaday xilli adag oo Dalku kujiro Doorasho, lana fileyn in Xoogaga Ahlu Sunna soo cusbooneysiiyaan Dagaalka xili deegaanka laga dhisay Maamul Curdun ah oo laga filaayey howlo Deegaanka muhiim u

ah oo Doorashadu ugu horeyso ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka

Ugu dambeyn guddiga dib u heshiisiinta Qaranka ayaa wuxuu ku baaqay in xabadda la joonjiyo lana bilaabo wada hadalo nabadeed oo la iskuugu yimaado si loo baajiyo in dhiig danbe ku daato deegaanka.

“Waxaa kaloo Guddigu ugu baaqayaa dhamaan Masuuliyiinta Heer Qaran, Dowlad Gobleed, Wax

garadka iyo Odeyaasha Dhaqanka deegaannada lagu dagaallamayo iney kaalin ka qaataan una kacaan sidii loo heli lahaa xasilooni iyo nabad Gobolka ka dhacda ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraal kasoo baxay Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka.

Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post