654 Views

Qaar kamid ah Madaxda dowlad goboledyada & Musharixiinta oo kulmay

Qaar kamid ah Madaxda dowlad goboledyada & Musharixiinta oo kulmay
____________________________________________________________________________

Waxaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay mid kamid ah Hoteelada ku yaal Xeendaabka garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland iyo Koofur Galbeed & Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Kulanka oo ahaa mid ay Albaabada u xirnaayeen ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu qabanqaabadiisa lahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) loogana hadlayay xaalka doorashada.

Kulankana aya waxaa uu daba socday kulamo ay horay Magaalada Muqdisho ugu yeesheen qaar kamid ah madaxda dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta, waxaana kulamada ay yihiin kuwo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa jirta in Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood iyo Midowga musharixiinta ay wadaan is xulafeysi siyaasadeed maadaama la galayo waqti doorasho, isla markaana muhiim ay tahay in la midoobo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post