1053 Views

SAWIRO:-Wafdi Baladweyne u tegay xalinta xiisada ka taagan

SAWIRO:-Wafdi Baladweyne u tegay xalinta xiisada ka taagan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 09, 2019 —Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed oo maalmahaan ku sugnaa Magalada muqdisho.

 

Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne waxaa ku soo dhaweeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiraan.

 

 

 

U jeedka safarka guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay  xalinta xiisada u dhaxeysa Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle iyo gudoomiyihii xilka laga qaaday balse diiday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa la filayaa in uu si kala gooni gooni ah in uu ula kulmo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

 

Xildhibanao iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay Baladw3eyne u tegay kuwaas oo ku guuleysan waayay xalintax siisadaas,waxaana xusid mudan in mudo bil iyo dhowr cisho ah aysan wax Shaqo ah ka socon Xarumaha Maamulka Gobolka Hiiraan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment