99 Views

Wasiir Fiqi oo kulan wada tashi ah la yeeshay Salaaddiinta, Cuqaasha iyo odeyaasha dhaqanka kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo kulan wada tashi ah la yeeshay Salaaddiinta, Cuqaasha iyo odeyaasha dhaqanka kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

MUQDISHO – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan wadatashi ah oo looga arrinanayo damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso dhulka Soomaaliyeed kula yeeshay Salaadiinta, Cuqaasha iyo odeyaasha dhaqanka ee beesha reer Sheekh Isxaaq ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Sadaad Caliyow oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay kaalinta odeyaasha dhaqanka ee xiisadda isaga oo intaa raaciyay in kulankan uu yahay in la iska wareysto dhulka uu Muuse Biixi doonayo inuu xaqdarro kusiiyo Itoobiya.

Dhankooda, Salaadiinta iyo Cuqaasha reer Sheekh Isxaaq ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya oo hadallo soo jeediyay ayaa muujiyay dareenkoodu ku aaddan sida ay uga soo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ay ku damacday dhulka iyo badda Soomaaliyeed, ayna ka go’antahay difaaca dalka.

Tallaabada Abiy Axmed iyo Muuse Biixina ay tahay mid gardarro ah, iyaga oo umadda Soomaaliyeed ee Koonfurta iyo Waqooyo ugu baaqay in ay kacaan, iskuna diyaariyaan difaaca dhulka iyo badda Soomaaliyeed.Cuqaasha iyo Salaadiinta beesha reer Sheekh Isxaaq ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in ay lama taabtaan tahay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo carabka ku dhuftay in masiirka umadda uu mid yahay tan iyo 1960-kii, waajibna tahay ilaalinta bedqabka dhul iyo dad ahaaneed ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadiisa u mahadceliyay baraarugga odeyaasha dhaqanka reer Sheekh Isxaaq, isaga oo intaa raaciyay in dhaqanka la ciirsado marka xaaladahan oo kale ay jiraan, ayna yihiin lagama maarmaan.

Wasiirka ayaa boggaadiyay shacabka ku sugan Somaliland ee difaacay dhulkooda iyo mas’uuliyiinta ka tirsanaa maamulka Muuse Biixi ee xukuumadda uga baxay dhulka Soomaaliyeed ee uu Itoobiya u saxiixay darteed, Mudane Axmed Macallin Fiai, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa adkeeyay mowqifka taariikhiga ah Dowladda Federaalka ah ee ilaalinta guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, isaga oo u xaqiijyay odeyaasha reer Sheekh Isxaaq iyo shacabka ku sugan Somaliland ee jecel dhulkooda, kana horyimid damaca Itoobiya, in ay Dowladda Soomaaliyeed la garabtaagantahay “Hiil iyo Hoo”.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post