888 Views

Madaxweyne Waare oo faah faahiyey gurmadka fatahaadaha

Madaxweyne Waare oo faah faahiyey gurmadka fatahaadaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 11, 2019–Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magalada Muqdisho ayaa faah faahin waxaa uu ka bixiyey halka ay marayaan howlaha gurmadka fatahaadaha ah ee ka socda Gobolka Hiiraan.

 

Waxaa uu sheegay Waare iyo gurmadka fatahaadaha loo qeybiyey Saddex Weji oo midkii koowaad uu soo geba-gaboobay haatana ay galayaan wajiga labaad iyo kan saddexaad oo ay qeyb ka yihiin dib uga soo kabashada saameyntii fatahaada iyo dayactirka Garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

 

Fatahaada uu Baladweyne ka sameeyey Wabiga Shabeelle ayaa waxaa uu sababay barakaca kumanaan dad ah,kuwaas oo dhibaatooyin kala duwna ay xilligaan ku heystaan deegaanka deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Baladweyne.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment