843 Views

Wariyeyaasha Soomaaliyeed oo dhigay banaanbax ay ku dalbanayeen sii deynta Wariye Caddow

Wariyeyaasha Soomaaliyeed oo dhigay banaanbax ay ku dalbanayeen sii deynta Wariye Caddow
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 20|  2020
—Warbaahinta Soomaliyeed ayaa maanta banaanbax cabasho ah dhigay kasoo ay uga soo horjeedeen wariye Cabdullahi Kulmiye oo 72 sacaadood sharci darro ku xiran.

Qaar ka mid ah ururada Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga horjeestay xariga wariyaha waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in dib loogu soo celiyo xoriyaddiisa.

Waxaa ay sidoo kale ka dalbadeen Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble in ay tixgaliyaan xoriyadda hadalka.

Ururada Saxaafadda ayaa sheegay in ay dadaal ku bixiyeen siideynta wariyaha laakiin wali ay jiraan caqabado waa weyn.

Wariyaha oo ciidanka Nabadsugida u xireen Wareysi uu ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo taageeray fikirka Al-Shabaab ayaa Xalay gurigiisa lagala baxay.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post