927 Views

Rooble oo khudbad ka jeediyey Carwada Buugaagta ee Gaalkacyo Peace Book Fair

Rooble oo khudbad ka jeediyey Carwada Buugaagta ee Gaalkacyo Peace Book Fair
____________________________________________________________________________

Sabti: October 16, 2021

Muqdisho, Oktoobar 16, 2021-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyey Xiritaanka Bandhig Buugeedka Nabadda ee Gaalkacyo Peace Book Fair ayaa ku ammaanay cid kasta oo kaalin ka geysatay bandhiggan muhiimka ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in sanado badan oo Gaalkacyo ku tilmaamneyd magaalo ay colaad iyo khilaafaadku daashadeen ay maanta dadkeedu u jeesteen nabadda, horumarka, iskaashiga iyo walaalnimada. “Waxaa hubaal ah in waddada nabadda iyo iskaashiga bulshada Gaalkacyo ay tahay tan kaliya ee dadka iyo deegaankaba u horseedi karta horumarka. Muddooyinkii dambe oo ay Gaalkacyo ku naalooneysay nabad ka dhex jirta dadkeeda waxaa lagu tallaabsaday horumar muuqda oo gobolka oo dhan laga dareemi karo”. Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa Bulshada Gaalkacyo iyo maamulladeedaba ku boorriyay in ay iu midoobaan nabadda iyo walaalnimada, isuna kaashadaan la dagaallanka cadowgooda koowaad ee Alshabaab oo maalin kasta dilaya hal-doorka bulshada.
—DHAMMAAD-

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post