918 Views

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Wefdi ka socda Itoobiya

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Wefdi ka socda Itoobiya
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

Madaxweynaha Somaliland, ayaa la kulmay Wefdi Wasiirro ah oo ka socda dawladda Federaalka Ethiopia oo soo gaaray magaalada Hargeysa.

Xubnaha Weftiga ka socda dawladda Federal-ka Ethiopia waxaa ka mida Wasiirrada wasaaradaha Maaliyadda, Axmed Shide, Gaadiidka, Dagmawit Moges iyo Masuuliyiin ka socda laamaha Aamniga iyo gurmadka iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia. Amb. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo weftiga la socday.

Wefdigaan ayaa waxaa kamid ah Wasiirrada Maaliyadda iyo Gaadiidka Federaalka Ethiopia ayaa ka mid ah Wafdiga. Ethiopia waa dawladdii ugu horraysay ee Somaliland u soo gurmata.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa uga mahadceliyey gurmadka habeennimadii xalay Madaxweynaha Dawlad Degaanka Somalida, Mustafe Muxumed Cumar uu soo diray.

Ugu danbayn Xubnaha weftiga, ayaa isla galabtaba soo kormeeray suuqa Waaheen ee uu dabku baabi’iyey, waxana ay indhahooda kusoo arkeen baaxadda dabka iyo waxyeellada uu gaadhsiiyey dhaqaalihii suuqaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post