426 Views

RW Xamse oo Ganacsatada kala shiray Gurmadka Abaaraha

RW Xamse oo Ganacsatada kala shiray Gurmadka Abaaraha
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 6, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Hamse Cabdi Barre iyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu hoggaamiyo ayaa galabta kulan la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka oo looga hadlayay sidii loo dardargelin lahaa hawsha gurmadka abaaraha, ayaa dowladdu waxa ay ku soo bandhigtay hawlihii la qabtay iyo gargaarkii la qaybiyay tan iyo markii la magacaabay Guddiga Qaran 17 bishii Agoosto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in 23 Agoosto loo diray deeq dhan 26 tan oo cunto ah magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde.

Sidoo kale, 25 Agoosto dowladdu waxay guddoonsiisay bulshada degmada Maxaas lacag dhan $75,000 oo loogu talo galay in lagu dayactiro ceelasha biyaha ee degmada ku yaala.

4 Sebtember waxaa loo diray deeq dhan 20 tan oo cunto ah magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur.

Wasiirku waxa uu sheegay in la qabtay kulamo xiriir ah oo la xiriira gurmadka abaaraha iyo barnaamijyo wacyi-gelin ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post