972 Views

Dowladda Somalia oo jawaab ka dalbatey madaxda Isbitaalka Yardimeli

Dowladda Somalia oo jawaab ka dalbatey madaxda Isbitaalka Yardimeli
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya , Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in ay mar kale ay warqad u direen madaxda Isbitaalka Yardimeli ee Magaalada Muqdisho, ayna ka dalbadeen inay soo caddeeyaan lana yimaaddaan sharciga u oggolaanaya inay ka shaqeeyaan Dalka Soomaaliya balse aysan kasoo jawaabin.

 

“Wasaaradda Caafimaadku waxay u xil saaran tahay ilaalinta arrimaha caafimaadka Dalka ,shaqada naloo igmaday ayaan gudanaynaa, balse maaha inaan daba gal ku hayno shaqo aanaan lahayn, hay’ad kasta oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka haddii aysan haysan ruqsad ay kaga shaqayso Dalka waxaa waajib nagu ah inaan shaqada ka joojino, balse ciddii haysato ruqsad shaqo oo sharci ah kuna saabsan arrimaha caafimaadka,  nidaamka Dowladnimo ayaa u oggol inay shaqeyaan” ayay tiri Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya.

 

 

 

Wasiir Fowziya ayaa intaa ku dartay in gudashada shaqadooda aysan cid kale marti uga ahaan doonin, Wasaaradduna ay markasta si dhow u ilaaliso shaqada loo igmaday ee ku saabsan arrimaha caafimaadka Dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment