1194 Views

Rooble oo Nairobi kula kulmay Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Jubbaland

Rooble oo Nairobi kula  kulmay Xubno kamid ah Guddiga doorashooyinka Jubbaland
____________________________________________________________________________

Jimco: August 13, 202

Xubno ka tirsan Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Jubaland ayaa kulan kooban la yeeshay Raysal Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ku amaanay kaalintii ay ka qaateen bilaabidii iyo hirgalintii Doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale Guddiga ayaa dhankooda waxaa ay uga mahadceliyeen Ra’isul wasaaraha dalka dhiirigalinta iyo soo dhaweynta ay kala kulmeen.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Magaalada Nairob ka wada kulamo kala duwan, kuwaas oo uu kaga hadlayo xaaladda dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post