339 Views

Dhaawacyada qaraxyadii Jalalaqsi & Buula-burte oo la keenay Muqdisho

Dhaawacyada qaraxyadii Jalalaqsi & Buula-burte oo la keenay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 20, 2022

Waxaa Xalay Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyey 17 ruux oo kamid ah dad shacab oo galabta ku dhaawacmay qaraxyadii Al-shabaab ku weerareen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.

Dhaawacyada waxaa  garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Maareenta musiibooyinka Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Waxaa caawa Magaalada Muqdisho la soo gaarsiiyey 17 ruux oo kamid ah dad shacab oo galabta ku dhaawacmay qaraxyadii Al-shabaab ku weerareen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.

Dhaawacyada waxaa  garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Maareenta musiibooyinka Qaranka Mudane Cabdirashiid Maxamuud Xasan.

Mas’uuliyiinta magaalada Jalalaqsi ayaa sheegay in baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay bar kontorool oo laga hubiyo baabuurta u socota buundada magaalada. Baabuurkaas ayaa qaraxiisa uu burburiyey dhisme ay ku sugnaayeen mas’uuliyiinta magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan duqii magaalada Jalalaqsi Aadan Maxamed Ciise, iyo Gudoomiyihii degmada Maxamed Nuur Cagajoof Dabbaashe oo xilkaasi laga qaaday dhowaan balse aan weli xil-wareejin samaynin.

Dhinaca kalena, mas’uuliyiinta magaalada Buulo Barde ayaa sheegay in qarax loo adeegsaday mooto bajaaj lagu dhuftay buundada magaalada ee kormarta webiga Shabeelle, ugu yaraan hal qof ayaana ku dhintay qaraxa oo sidoo kale burburiyey qayb ka mid ah buundada oo uu dalooliyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post