1863 Views

Wasiir Cali Cabdullaahi Warsame oo iscasilay

Wasiir Cali Cabdullaahi Warsame  oo iscasilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 23, 2018 –Dr Cali Cabdullaahi Warsame  Wasiirkii degaanka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay ka dib muddo dheer oo uu wasiir ka ahaa xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Is casiladiisa, waxaana la sheegay sababaha uu isku casilay in ay ka qeyb ka tahay Khilaaf soo gala dhex galay Madaxweyne Gaas iyo  Cali.

Dr Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maalmihii lasoo dhaafay wajahay Fadeexad ka dhalatay saddex mashruuc oo dhamantood muhiimad  u lahaa Shacabka Puntland, oo ay ku jiraan Labo mashruuc oo ay dawladda Jarmalku ka hirgalinaysay Puntland oo joogsaday.

Waxaa uu ku eedeeyey Madaxda Puntland in ay danaha horumarineed ee dalka ka hormarinayaan dano shaqsiyaad gaar ah oo ay ka leeyihiin ujeedooyin guracan.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment