909 Views

Carruur Cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyootay Bakool

Carruur Cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyootay Bakool
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  04- 2019–Ilaa 7-da caruur ah ayaa la sheegayaa in cuddurka shuban biyoodka uga dhinteen deegaanka Caato oo ka tirsan gobolka Bakool mudo 48 saacadood gudohood ah.

 

Waxaa geerida 7-da caruurta ah noo xaqiijiyey Guddoomiyaha deegaanka Caato Dubad Xasan Cali oo la hadlay Warbaahinta Dowladda,isaga oo ku sugan deegaanka Caato ee gobolka Bakool oo dhibaatadu ka dhacday.

 

 

 

Dhinaca kale kusimaha Guddoomiyaha gobolka Bakool Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snake) ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ka dilaacay deegaano badan oo katirsan gobolka Bakool.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhintay iyo dad badan oo uu soo ritay wuxuna baaq u diray Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan Wasaaradaha ay khuseyso iyo hay’adaha Samafalka.

 

Deegaanada qaarkood oo shuban biyoodku ka dilaacay ayaa lasoo sheegayaa in xaalada dadka aad u liidato ka hortaguna uu aad u yar yahay.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment