741 Views

Golaha Ammaanka oo ansixiyay Ergay QM u fadhi doona Liibiya

Golaha Ammaanka oo ansixiyay Ergay QM u fadhi doona Liibiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 16, 2020 –Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe ayaa ansixiyay soo jeedintii  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe  António Guterres ee eheed in Nickolay Mladenov noqdo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Liibiya.

Nikolay Mladenov  ayaa bedeli doona Gassaan Salaama  oo ka tegay xilkaas bishii March ee la soo dhaafay, culeys dartiis.

Bayaan ay soo saareen xubnaha Golaha Amniga ayaa lagu sheegay inay  muhiim tahay in la helo hannaan lagu kalsoonaan karo si Liibiya looga hirgeliyo xabbad joojin dhab ah.

Golaha ayaa ku baaqay mar kale in dhammaan dagaalyahanada ajaanibta ah ee jooga dalkaas inay dhaqsi uga baxaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |

______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post