1248 Views

Booliska Somalia oo cadeeyey waxa ka jira in Shaqada laga joojiyey Aamin Ambulance

Booliska Somalia oo cadeeyey waxa ka jira in Shaqada laga joojiyey Aamin Ambulance
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 10  2019–Maalmihii la soo dhaafay waxaa Baraha Bulshada iyo Wabsite-yada qaarkood lagu faafinayey in Dowladda Soomaaliya ay ku amartay Shaqaalaha Hay’adda Gurmadka deg dega ah ee Aamin Ambulance inay Shaqada joojiyaan,hayeeshee waxaa warkaasi beeniyey taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guute Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay inaysan jirin Shaqa joojin lagu sameeyey Gaadiidka gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance,isla markaana ay Booliska wadashaqeyn la yeelan doonaan.

“Booliiska Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in aysan jirin xayiraad la saaray hay’adda gaarka loo leeyahay ee Aamin Ambulance,Hay’adda Booliiska iyo Gobolka Banaadir waxay yeesheen kulan lagu lafa gurayo sidii wada shaqeyn dhaw loo yeelan lahaa, waana sii wadi doonnaa dadaallada lagu mideynaayo hawlaha gurmadka.

Sidoo kale waxaa ay uga mahad celisay Hmas’uuliyiinta Hay’adda Aamin Ambulance iyo cid walba oo gurmadka degdeg ah ka shaqeyso xilkasnimada iyo dadaalka ay muujiyeen,waxaana ay sheegtay inay rajo weyn ka qabaan in si wadajir ah loo wajaho xaaladaha degdeg ah ee yimaada.

Hay’adda gurmadka deg dega ee Aamin Ambulance ayaa ah mid si gaar ah loo leeyahay,waxaana ay ka Shaqeysaa u gurmashada dadka ku waxyeelooba qaraxyada iyo musiibooyinka kale ee ka dhaca Magalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment