870 Views

Midowga Murashaxiinta oo walaac ka muujiyay dib u dhaca doorashada

Midowga Murashaxiinta oo walaac ka muujiyay dib u dhaca doorashada
____________________________________________________________________________

Isniin: October 11, 2021

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay welwel iyo walaac xoog leh ka qabaan dib u dhaca doorashada taas oo ay sheegeen inay sababay in dalku galo firaaq dastuuri ah iyo xaalad hubanti la’aan.

Midowga musharaxiinta ayaa isla qoraalka ay soo saareen ku yiri” Goluhu wuxuu ka xun yahay in tiro seddax jeer ah dib looga dhacay jadwalkii doorashooyinka ee lagu heshiiyey, iyadoo aan shacabka Soomaaliyeed loo caddeynin sababaha keenay dib u dhaca. Goluhu wuxuu dareensiinayaa Golaha Wadatshiga Qaran in ay mas’uuliyad ka saarantahay in ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda xaq ugu leeyihiin in ay si daahfuran ula wadaagaan sababaha kallifay in doorashooyinku ay dib uga dhacaan xilliyada loo muddeeyey .”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post