1782 Views

Kenya Oo Ka Hadashay Qarax Lagu Dilay Askar Kenyan Ah

Kenya Oo Ka Hadashay Qarax Lagu Dilay Askar Kenyan Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Ogoosto 29, 2018 –Wararka ka imaanaya Magalada  Xeebta ah ee Lamu ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Kenya Maanta qarax lala eegtay,isla markaana uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Ciidamada ayaa xilliga qaraxa lala eegnayey waxa ay ku socdaalayeen inta u dhaxeysa deegaanada Kiunga iyo Sankuri ee degmada Lamu Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya oo lagu Magacaabo Colonel Paul Njuguna ayaa waxa uu sheegay in qaraxaas oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ay ku geeriyoodeen 5 ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya halka 10 kale ay ku dhaawacmeen kuwaas oo loo qaaday Isbitaalka Magalada Lamu.

Waxa uu sheegay in qaraxaas ay ka dambeeyaan Al-Shabaab balse ay iyagu wadaan baaritaano ku aadan dadkii qaraxaasi ku lugta lahaa,waxana sawiro la soo qaaday lagu arkayey Gaari nooca ciidamada qaada ee Uuralka ah oo qaraxa ku bur buray.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay qaraxyo iyo weeraro ka geestaan deegaano ka mid ah Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya,waxaana dowladda Kenya ay sheegtay inay sameyn doonto qorsho ay uga hortageyso.

p1 p2 11

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment