912 Views

Kulanka Caawa ee cayaaraha EU London iyo Rome tee laga dabbaal degi doonaa koobka?

Kulanka Caawa ee cayaaraha EU London iyo Rome tee laga dabbaal degi doonaa koobka?
____________________________________________________________________________


Axad: July: 11, 2021

England waxay caawa baadigoob ugu jirtaa in ay samayso taariikh oo ay ku guuleysato koobkii ugu horreeyay ee ragga muddo 55 sano ah, kaas oo ay wejahayaan Italy, ciyaarta kama danbaysta ah ee Euro 2020 kulan ka dhacaya Wembley.

Wiilasha Gareth Southgate ee lagu naanayso Saddexda libaax ayaa noqon doona kooxdii ugu horeysay ee England ah ee ku guuleysata Horyaal Yurub ah haddii ay ku garaacaan Azzurri taageerayashooda hortooda iyo gurigooda, oo ay ka soo qaybgalayaan qiyaastii 60,000 oo taageereyaal ah, maadaama garoonka uu ku yaal London.

Xamaasadda ayaa sii kordheysa iyada oo labada dhinacba isu diyaarinayaan ciyaartan, adduunka kalena kala tageerayo. Caawa indhuhu waxay ku wada jeedaan garoonka Wembley, waxaana la eegi doonoo dhinacee farxad la galban doona. Ma Rome? Mise London? Tee ayaa laga dabbaal degi doonaa? Teebaa se ay caawa habeen murugo u ahaan doontaa?

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post