606 Views

Mareykanka oo qariyay duqeyn dhimasho geysatay oo uu ka fuliyay Suuriya

Mareykanka oo qariyay duqeyn dhimasho geysatay oo uu ka fuliyay Suuriya
____________________________________________________________________________


Axad: November 14, 2021

Militeriga Mareykanka ayaa qariyay duqeyn uu ka fuliyay dalka Suuriya oo ay ku dhinteen tiro shacab ah, sida laga soo xigtay wargeyska New York Times.

Baaritaan madaxbanaan laguma sameynin weerarka ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen halkaas, sida uu ku warramayo wargeyska.

Saraakiisha waxay markii ugu horreysay toddobaadkan qireen in weerarka ay fuliyeen balse waxay ku adkeysteen inay jirtay sabab ay duqeynta uga fuliyaan halkaas.

Ma kala cadda in dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaas ay ahaayeen dad rayid ah ama in kale, marka laga reebo 16 qof ee maleeshiyaadka ahaa ee ku dhintay weerarka.

Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Baghuz ee bariga Suuriya 18 bishii March 2019-halkaas oo ay ku xoogganaayeen dagaalyahanada kooxda isku magacaawday Dowladda Islaamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post