1341 Views

Golaha Milatariga Suudaan iyo Dibadbaxayaasha oo Heshiiyay

Golaha Milatariga Suudaan iyo Dibadbaxayaasha oo Heshiiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 15, 2019–Golaha milatariga Sudan iyo hogaamiyaasha ururada rayidka ah ee horkacaya dibadbaxayada dalkaasi ka socda, ayaa xalay ku heshiiyay dowlad ku meel gaar ah oo muddo saddex sano gudahood xakunka ku wareejin doonta xukuumad rayid ah oo buuxda.

General Yasser al-Atta oo ka mid ah golaha sare ee millatariga hadda maamula Sudan, ayaa wariyaasha u sheegay xalay saqdi dhexe kaddib, in ay ku heshiiyeen saddex sano oo dowlad kumeel gaar ah.

 

Waxaa kale oo uu sheegay in isla maanta ay soo saari doonaan heshiiska kama danbeysta ah oo u dhaxeeya milatariga iyo isbaheysiga xorriyada Sudan ee hogaamiyanaya kacdoonka shacabka.

 

Heshiiskaas ayaa waxaa ku jira in labada dhinac ay soo dhisaan golaha wasiirada cusub iyo golaha baarlamaanka. Xubnaha baarlamaanka ayaa saddex marki loo qeybiyo laba qeyb ka iman doonto shacabka.

 

Sudan ayaa waxaa xakumayay gole milatari, tan iyo marki xakunka laga tuuray madaxweynihi hore, Cumar Al Bashiir, bishii April ee sanadkaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment