1560 Views

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Geerida Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Geerida Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 06, 2019 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi.

 

Alle ha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii iyo Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kalena Danjire ka soo noqday dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Qaramada Midoobey.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali.”

 

“Amb. Maxamed Warsame Cali waxa uu ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uu qayb wakhtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii Maamulka Galmudug. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto oo hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment