228 Views

Dalka Shiinaha oo qirtay in ay jiraan lixdan kun oo dhimasho ah oo la xidhiidha Covid-ka bil gudaheed,

Dalka Shiinaha oo  qirtay in ay jiraan lixdan kun oo dhimasho ah oo la xidhiidha Covid-ka bil gudaheed,
____________________________________________________________________________

Sabti: January 14 2023

Shiinaha ayaa qirtay in ay jiraan lixdan kun oo dhimasho ah oo la xidhiidha Covid-ka bil gudaheed, ka dib go’aankii degdegga ahaa ee dawladdu ay ku joojisay xeerarkii adkaa ee xakamaynayey ee masiibadaas.

Waa markii ugu horreysay oo Beijing ay qirato baaxadda dhimashada ee uu sababay mowjadda Covid ee dalka ku dhufatay.

Muddo toddobaadyo ah, mas’uuliyiintu waxay soo tebinayeen tiro yar oo dhimasho ah maalin kasta, kuwaas oo u muuqday kuwo aan waafaqsanayn safafka dhaadheer ee loogu jiray meelaha meydka la dhigo.

Tiradan dhimasho ayaa la xidhiidha dadka isbitaallada la dhigay shantii toddobaad ee ka horreyeeyey Khamiistii la soo dhaafay. Inta badan dadka dhintay waxay kor u dhaafayeen da’aadda sideetanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post