1104 Views

Saciid Deni oo maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyay Urur Siyaasadeedka Kaah

Saciid Deni oo maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyay Urur Siyaasadeedka Kaah
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 21 2020–Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaan geliyay urur siyaasadeedka dowladda oo la magac baxay Kaah.

Madaxweyne Deni ayaa xarunta Ururka Kaah waxaa ku soo dhoweeyay Guddoonka KMG ee Ururka iyo qaar ka mid ah Xubnaha Ururka.

Urur Siyaasadeedka dowladda ee Kaah ayaa ka mid ah ururada siyaasadda Puntland, iyadoo markii u horeysay la filayo in Puntland ka hirgasho nidaamka xisbiyada badan oo lagu geli doono doorashada dowladaha hoose iyo kuwa dowlad goboleedka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa qorshayaashiisa siyaasadda waxaa ka mid ahaa inuu hirgelinayo nidaamka xisbiyada badan, waxaana muddo 7 bilood gudahood lagu soo magacaabay Guddiga doorashada KMG ee Puntland.

Guddiga doorashada KMG ee Puntland ayaa waxaa uu illaa iyo hada diiwaan geliyay illaa 17 Urur siyaasadeed.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment