1245 Views

Qoyska Haweeneydii Uu Askari Somali-Mareykan Horey U Dilay Oo La Siinayo Magdhow Lacageed

Qoyska Haweeneydii Uu Askari Somali-Mareykan Horey U Dilay Oo La Siinayo Magdhow Lacageed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 04, 2019 –Maamulkamagaalladda  Minneapolis ee Gobalka mInnesta dalkaasi ayaa la sheegay inay qoyskaasi siin doonaan lacag magdhow ah oo dhan 20-million oo Dollar, waxayna tallabadani oo baxday 3 maalin kadib, markii Askari Somali Maraykan lagu magacaabo Maxamed Nuur ay Maxkamadi ku heshay Talaadadii la soo dhaafay dilka haweeneydaasi oo la oran jirey Justine Damond.

Bixinta magdhowgaasi ayaa lala gaaray qoyska Haweeneydii la dilay oo iyadu haysatay dhalashadda  Maraykanka iyo tan dalka Australia.

Waxaa la rumeysan yahay inuu Maxamed Nuur yahay Askarigii ugu horreeyey ee ka tirsan Boliska Gobalka Minnesta ee lagu helo fal dil, xilli uu gudanayey waajibaadkiisa shaqo.

 

Toogashadda haweeneydaasi ayaa la sheegay inuu dhacay bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii, xilli ay iyada u yeeratay Boliska si ay ugu soo gurmadaan cabsi la soo gudboonaatay.

 

Horey, qoyskeeda waxay u codsadeen lacag magdhow oo dhan 50 million oo Dollar oo ah xadgudubkii iyada lagu dilay, balse waxaa haatan la isku raacay in Qoyskaasi la siiyo lacag dhna 20-million oo Dollar.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment