852 Views

Wada-hadallo u bilaawday Galmudug & Hoggaanka Ahlusunna

Wada-hadallo u bilaawday Galmudug & Hoggaanka Ahlusunna
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 08, |  2020—Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay kulan xasaasi ku yeesheen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Sheekh Cabdirisaaq Ashcari oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna Wal-jamaaca.

Kulanka oo ahaa mid ay Albaabada u xirnaayeen ayaa hadana xogaha laga helay waxaa ay tilmaamayaan in kulankaan uu bilaaw u yahay wada-hadallo dhex-mara Madaxda Galmudug & Hoggaanka Ahlusunna oo dagaal loga saaray degaannada Galmudug.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa la sheegay inay isku-afgarteen in markale kulan kale la isugu yimaado si meesha looga sii amba qaado wada-hadal dhex-mara Madaxda Galmudug & hoggaanka Ahlusunna.

Hoggaanka Ahlusunna ee mudada ka badan 10 sano maamulayay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee degaannada Galmudug ayaa dagaal looga saaray, kadib markii ay ka biyo diideen doorashadii ka dhacday Dhuusamareb, waxaana xilligaasi wixii ka dambeeyay jirin wada-hadal toos ah oo dhex-maray Madaxda Galmudug & Ahlusunna.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post