1023 Views

Xarun lagu cillad bixinayo diyaaradaha Somaliya imaada oo Garoonka Aadan Cadde laga Furay

Xarun lagu cillad bixinayo diyaaradaha Somaliya imaada oo Garoonka Aadan Cadde laga Furay
____________________________________________________________________________

May 29 2021

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku daahfurtay xarun lagu cillad bixinayo diyaaradaha marka ay cilladoobaan, waana markii ugu horraysay muddo 30 sano ka badan oo xarun noocaas ah laga hirgeliyo dalka.

Hay’adda caalamiga ah ee duulista hawada ee ICAO loo soo gaabiyo ayaa horay waxay shardi ku xirtay in Soomaaliya ay xaruntaas hirgeliso si loogu oggolaado diiwaan gelinta diyaarahadaha isla markaana ay hay’addu kormeer ku timaaddo.

Haddaba Hirgelinta xaruntaan iyo waxa ay ka dhigan tahay ayaanu ka waraysannay, Maareeyaha hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macallin Xasan, oo u warramay Axmed Mursal Xuseen marka horena wuxuu waydiiyey, bal waxa ay tahay xaruntan ay maanta daahfureen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post