957 Views

Dad Shacab ah oo lagu dilay Gobolka Sanaag

Dad Shacab ah oo lagu dilay Gobolka Sanaag
____________________________________________________________________________

Wararka laga helayo Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen Goob ay dad Shacab ah ku sugnaayeen oo ku taalla degmada Ceel-Afweyn.

Inta la xaqiijiyay rasaastaas ayaa waxaa ku geeriyooday hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhamaantood ku sugnaa Kaalin shidaal lagu iibiyo oo ku taalla Ceel-Afweyn..

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in arrintaan ay la xiriirto sababo dhinaca aanooyin qabiil ah, iyada oo maleeshiyaadka falkaasi geystay ay goobta ka baxsadeen.

Deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa tira a dhowr jeer ah ku dagaalamay laba maleeshiyo beeleed,kuwaas oo dhawaan heshiis xabad joojin ah la kala dhex-dhigay,isla markaana dhawaan loo balansanaa gogol Nabadeed.

 

 

xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment