1551 Views

Wafdi gaaray degmada Maxaas & kulamo ka dhacay

Wafdi gaaray degmada Maxaas & kulamo ka dhacay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 16, 2020–Ciidamada Qalabka Sida oo isugu jira Xoogga Dalka , Nabadsugida iyo Booliiska Qaybaha ka howlgala Deeganada Galmudug iyo Hirshabelle iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan xili ay Ku guda jiraan Howlaha Nabad kusoo dabaalida Deegaanada Hoostaga Degmadan oo mudoba ay ka jireen Dagaalo dhex maray beelaha deegaanka wada dagan.

Howlgalka nabadeynta oo ay si buuxda qayb kaga wada yihiin Qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee Milatariga Somalia ayaa ka dhigan in ay xoogeysatey wada shaqeynta Qaybaha Ciidanka qalabka sida , Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto : Mascuud Maxamed Warsame.

Saraakiisha Howlgalka hoggaaminaya ayaa kulan kooban Duleedka Maxaas kula qaatey Saraakiisha Amisom ee fadhiisinka ku leh Duleedka Degmada kuwaas oo Ciidamada Qalabka sida ku amaaney dadaalada Nabadeynta oo qayb weyn ka qaadanaya ka guul gaarida dagaalka lagula jiro Al-Shabaab .


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post