438 Views

Buuq badan kadib Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kamid noqday Golaha shacabka

Buuq badan kadib Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kamid noqday Golaha shacabka
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 21, 2022

Xildhibaano katirsan golaha shacabka Federaalka oo kamid ah xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal-galinaya in guddoonka baarlamaanka lagu qasbo in lajoojiyo Dhaarinta Xildhibaanimo ee Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mooshinkan, oo ay horboodayaan xubno uu kamid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo maalin kahor kasoo laabtay dalalka Khaliijka, ayaa sabab looga dhigayaa in Farmaajo uusan xaq u laheyn kamid noqoshada baarlamaanka, iyadoo qorshahan tan iyo xalay laga shaqeynayay.

Villa Soomaaliya ayaa talaabadan u noqonaysaa bilowga dagaal siyaasadeed aan rasmi ahaan loogaran karin socodkiisa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska diiday dalabka xildhibaano taabacsanaa Villa Soomaaliya oo uu horboodayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan u qaabilsan abaaraha.

Gudoomiyaha Golaha shacabkka ayaa xildhibaanada ka dalbaday in loo codeyn karo Madaxweyne hore Farmaajo.

Golaha ay fadhiyeen 157 xildhibaan, waxaa ogolaaday 140 xildhibaan, waxa uu sidaas ku noqday xildhibaan aad dhicin oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa isla goobta lagu dhaariyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post