693 Views

Maxaynu ka naqaanna siyaasiyiinta Itoobiya ay Xabsiga ka sii deysay?

Maxaynu ka naqaanna siyaasiyiinta Itoobiya ay Xabsiga ka sii deysay?
____________________________________________________________________________


Sabti: January 8, 2022

Dowladda Itoobiya ayaa maalinti shalay ahayd shaaca ka qaadday siyaasiyiin muddo sanad iyo bar ah u xirna qalaalasha siyaasadeed iyo midda militari ee dalkaasi ka dhacay in la sii deynayo.

Ka hor inta aan la maqal warka ku saabsan sii deynta macabiistaasi, Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo hadlay wuxuu sheegay “Guusheennu si ay u noqoto mid waarta waxaan dajineynaa xasaridihi siyaasadeed ee dhashay”, hadalkaasi oo loo arkayey mid iftiiminaya in siyaasiyinta xabsiga ku jirta qaarkood xabsiga laga sii deynayo.

Abiy wuxuu intaa ku daray “Qofki dambi glay mudankiisa in la mariyo, qofki wax dulmayna dulmigiisa uu raalli gelin ka bixiyo, nidaam caddaaladeed oo sahlayo isla-markaana waafaqsan dhaqanka soo jireenka uu dalku leeyahay ayaanmeel marineynaa.”

Adeegga Xafiiska Isgaarsiinta Dowladda oo faahfaahin ka bixiyey go’aanka sii deynta macabiista ee ay dowladdu qaadaty siyaabo kala duwan ayaa looga falceliyey.

Xafiiskuna wuxuu sharraxaadda uu go’aanka dowladda ka bixiyey uu cinwan uga dhigay “Si loo helo midnimo buuxdo oo dalka ka hanaqaado dowladda wax weliba u hureyso.”

Go’aanka lagu sii daayey macabiistana uu qayb ka yahay nidaamka looga gogol xaarayo wada xaajoodka qaran ee lagu doonayo in lagu abuuro madal siyasadeed oo wanaagsan.

Wasaaradda Caddaladduna waxay sheegtay edeysanayaasha ku jiray gal dacwadeedka Jawar Maxamed iyo Iskindir Negga in dacwaddooda la laalo si wada xaajoodka qaran ee la filayo dhawaan in uu dalka ka dhaco uu u noqdo mid laga wada qayb qaato natiijo wanaagsanna ay ka soo baxdo.

Haddaba siyaasiyiinta cafiska loo fidiyey waa kuwee? Si kooban ayaan u eegeynaa…

Jawar Maxamed

Jawar Maxamed waa siyaasi magac ku leh siyaasadda Itoobiya gaar ahaanna qowmiyadda uu ka soo jeeda ee Oromada, in mudda ah marki uu qurbaha ku noolaa wuxuu dalka Itoobiya uu ku soo laabtay marki talada dalka Itoobiya uu qabtay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Wuxuuna kaalin mug leh uu ku lahaa kacdoonnadi dalka gudahiisa ka socday ee sababay in talada dalka Itoobiya uu qabto Abiy Axmed. Waana aasaasaha ahna mulkiilaha telefishiinka caalamiga ee OMN.

Dalka Itoobiya marka uu yimidna wuxuu go’aansaday inu siyaasadda dalka uu ka qayb qato, wuxuuna sidaa uu ku celiyey dhalashadi Mareykanka ee uu haystay.

Kaddibna wuxuu ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress (OFC) oo uu hoggaaminayey Barafasor Marar Gudina.

2020-kii marki doorashada guud ee dalka Itoobiya dib loo dhigay, magaalada Addis Ababana lagu dilay fannanki caanka ahaa ee qowmiyadda Oromada Hachaaluu Hundeesaa xasilooni darra ka dhalatay ayaa loo xiray Jawar Maxamed. Waxaana galdacwadeedka kula jiray 20 qof oo kale dacwaddooda lagu saleeyay iney ku xadgudbeen sharciga argagixisada iyo xakameynta hubka.

Baqale Garbaa

Baqale Garbaa wuxuu ahaa macallin wax ka dhiga Jaamacadda Addis Ababa kaddibna wuxuu ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress (OFC) isaga oo noqday xubin sare oo xisbigaasi ka tirsan wuxuuna ka mid ahaa gal dacwadeedka Jawar Maxamed.

Baqale isbeddelka siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka dhacay iyo isbeddelkaka horba wuxuu wakhti badan uu ku soo qaatay xabsiyada dalkaasi isaga oo loo haysto arrima siyaasadeed.

Abiy Axmed marki uu xilka qabtay ayuu ka soo baxay xabsi in muddo ah uu ku jiray. Haddana waxaa markale la xiray marki la dilay Hachaalu Hundesa.

Iskindir Negga

Iskindir Negga waa wariye ahna siyaasi caan ah. Inta uu Abiy Axmedna hoggaanka dalka Itoobiya qaban maamulki ka horreeyey waxay marar badan u xireen xirfaddiisa wariyenimo darteed.

Wuxuuna in muddo ah uu ka shaqeynayey wargeys af dheer oo siyaasadda dalka si weyn uga faalloodo gaar ahaanna si weyn unaqdiyo siyaasadda dowladda.

Xabsiga arka laga soo daayey xilligi uu Abiy Axmed talada dalka Itoobiya qabtay wuxuu dib ugu laabtay xirfaddiisa wariyenimo. Wuxuuna aasaasay xisbi lagu magacaabo ‘Balderas ee Dimuqraadiyadda Dhabta ah’, oo si gaar ah uga dhaqdhaqaaqo magaalada Addis Ababa.

Waxaana markale xabsiga loo taxaabay 2020-ka wixi ka dambeeyey dilki loo geystay fannaanki weynaa ee qowmiyadda Oromada Hachaalu Hundesa.

Iskindir iyo Xubnaha kale ee xisbiga Balderas oo doonayey doorashadi guud ee kalhore dalka Itoobiya ka dhacday waxaa loo diiday rusqadi ay doorashada uga qayb geli lahaayeen.

Iskindir Negga wuxuu ka mid noqday siyaasiyiinta caanka ah ee xalay laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Aster Siyuum

Aster oo baratay cilmiga Chemistry jamacadda marki ay dhammeysatay kaddib waxay ku biirtay Xisbiga mucaaradka ee Caddaaladda iyo Dumuqraadiyadda iyada oo xisbiga ku mataleysay gobolka Gonder.

Isbeddelka ka hor maamulki dalka Itoobiya ka arriminayey ee xisbiga EPRDF horkacayey sirdoonka dalkaasi ayaa xabsiga u taxaabay kaddibna xukun maxkamadeed lagu riday xukunkina ku soo dhammeysatay xabsiyada Ma’ikalaawi iyo Qilinto.

Aster oo ah hooya laba carruur ah dhashay waxay marki dambe ku biirtay xisbiga Balderas, iyadoo xabsiga ku jirtay ku dhawaad hal sano iyo bar ayaa xalay la sii daayey..

Sibhat Negga

Sibhat Negga waa aasaasihi xisbigi la oran jiray TPLF oo haatan u diga rogtay fallaagada uguna tunka weynaa xisbiga muddada dheer talada dalka Itoobiya soo hayey ee EPRDF.

Wuxuuna ahaa xubin muhiim ah oo udub dhexaad u ahaa siyaasadda dalka Itoobiya ay ku soo hoggaaminayeen TPLF.

Sanadki hore marki uu waqooyiga Itoobiya uu ka qarxay dagaalka u dhaxeeyay dowladda dhex ee Itoobiya iyo fallagada TPLF wuxuu ka mid noqday shaqsiyaadka ay dowladda Itoobiya waaranka soo qabashada u jartay ee loo haystay dagalkaasi iney soo maleegeen.

Sibhat oo 86 jir ah waxay ciidamada dowladdu gacanta ku soo dhigeen 8-dda January 2021-ka xilligaasi oo dagaalka waqooyiga Itoobiya ka qarxay uu socday 2 bilood oo keli ah.

Sibhat oo TPLF aasaasay wuxuu muddo dheer uu ka soo ahaa guddoomiyey isaga door weyna ku lahaa xisbiga EPRDF iyo dowladda Itoobiya ee xilligaa jirtay.

Siyaasadda ka sokowna wuxuu madax uuu soo ahaa shirkadaha wax soo saarka ee ay TPLF lahayd ee balaayiinta lacagta maamulayey.

Sibhat oo xalay xabsiga laga sii daayey waxaa loo haystay inuu maleegay weerarki loo geystay ciidamadi dowladda dhexe ee ku sugnaa saldhigga waqooyi iyo qalalaaso dalka Itoobiya qaybahiisa kala duwan ka dhacay inuu ku lug lahaa.

Qidusan Negga

Qiddusaan Negga waxay muddo dheer xubin ka soo ahayd TPLF iyada oo ka mid noqotay xubnaha sare ee xisbigaasi hoggaaminayey.

Qiddusaan oo ka mid noqotay siyaasiyiinta ay dowladda dhexe ku raad joogtay oo laga soo qabtay deegaanka Tigraay waxaa kal hore xilligan oo kale lala soo qabtay walaalkeed Sibhat Neggaa.

Doorka ay siyaasadda TPLF ku lahayd ka sokoowna waxay soo qabatay xilka guddomiyaha baarlamaanka ee Dowlad Deegaanka Tigraay wixi dagaalka ka horreeyey.

Seygeeda Tseggay Berhe oo isna door weyn ku lahaa siyaasadda TPLF wuxuu sida oo kale uu soo qabtay xilka madaxweynaha deeganka Tigaay.

Mulu Gabre-Igzabiher

Mulu Gebre-Igzabiher oo xubin ka ahayd TPLF waxay dowladda dhexee dalka Itoobiya ay ka soo qabatay xilka wasiiru dowlaha wasaaradda Gaadiidka, iyada oo ahayd xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ee dalkaasi.

Waxayna ka mid ahayd xubinihi TPLF ee lagu soo qabtay dagaalka gobolka Tigraay ka socda oo kiiskooda muddo sanad ah ay eegeysay maxkamadda sare ee dalkaasi, ugu dambeyntina waxay ka mid noqotay siyaasiyiinta xalay cafiska lagu sii daayey.

iyo qaar kale

Dowladda dhexe ee dalka Itoobiyana waxay sheegtay sarakiil ciidan iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka tirsan TPLF iney laamaha ammaanka gacanta ku soo dhigeen balse siyaasiyiinta cafiska loo fidiyey ay yihiin oo keli ah 6 xubnood.

Lixda xubnood ee cafiska loo fidiyey ee ay wasaaradda caddaaladu shaacisay ay kala yihiin: Sibhat Negga, Qiddusan Negga, Mulu Gabre-Igzabiher, Abay Waldu, Abadi Zamu iyo Kiros Hagos

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post