999 Views

Hogaamiye shekh shariif oo goor dhawayd ka soo dagay Garoonka muqdisho Dawo Muqaalka.

Hogaamiye shekh shariif oo goor dhawayd ka soo dagay Garoonka muqdisho Dawo Muqaalka.
____________________________________________________________________________

April 29-2021

Waxaa soo gaaray magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee dowladii ku meel gaarka aheyd , haatana ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta mucaaradka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif oo ka yimid dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan labada gole, qaar ka mid ah musharraxiinta, xubno ka mid ah xisbiga Hilimo Qaran iyo mas’uuliyiin kale.

Intaasu kadib Sheekh Shariif ayaa waxaa loo galbiyey hoyga uu ka dagan dhinaca Mirinaayo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula hadli doono warbaahinta.

Sidoo kale Shariifka ayaa la filayaa inuu ka hadlo xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan qalalaasihii dhowaan ka dhacay caasimada dalka ee Muqdisho iyo doorashooyinka.

wararka ayaa intaasi kusii daray inuu kulamo la leeyahay siyaasiyiinta mucaaradka, iyaga oo ka wada-hadli doono khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post