255 Views

Pope Francis oo loogu soo dhaweeyay fagaaraha qaranka ee dalka Baxreyn, waxaa halkaa ku sugnaa bulshada Kiristaanka ee ku sugan Baxreyn

Pope Francis oo  loogu soo dhaweeyay fagaaraha qaranka ee dalka Baxreyn, waxaa halkaa ku sugnaa bulshada Kiristaanka ee ku sugan Baxreyn
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 5, 2022

Pope Francis ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay fagaaraha qaranka ee dalka Baxreyn, waxaa halkaa ku sugnaa bulshada Kiristaanka ee ku sugan Baxreyn iyo dalalka deriska, dadkan intooda waa shaaqaalaha ajaaniibta ee ka howlgala halkaas.

Ilaa 30,000 qof ayaa Pope Francis kusoo dhaweeyay halkaas.

Pope Francis wuxuu siday farriin ku saabsan “caddaalad iyo nabad” -waana booqashadiisii labaad uu ku tego dalalka Khaliijka kadib booqashadii taarikhiga aheyd ee uu ku tegay Imaaraatka sanadkii 2019.

Khudbad uu ka jeediyay Baxreyn wuxuu ku baaqay in dadka ay is jeclaadaan.

Baxreyn waxaa ku nool 80,000 qof oo aaminsan madhabta Catholic kuwaas intooda badan kasoo jeeda Hindiya iyo Philippines.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post