1776 Views

Farmaajo oo qaatay tallaalka Cudurka COVID-19 ee la keenay dalka

Farmaajo oo qaatay tallaalka Cudurka COVID-19 ee la keenay dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 16da Maarso, 2021–Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qaatay tallaalka Cudurka COVID-19 ayaa adkeeyey masuuliyadda adag ee shacab iyo dowladba ka saaran samatabixinta caafimaad iyo nololeed ee dalka.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu xoojiyey walwalka ku aaddan in ay yartahay feejignaanta shacabka Soomaaliyeed ee cudurkan iyo halistiisa sii kordheysa, iyadoo la fududeysanayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabkeenna.

“Masuuliyad adag ayaa inaga saaran daryeelka muwaadiniinteenna si aan uga hortagno in uu soo rito cudurkan safmarka ah ee dunida aafeeyey. Muhiimadda ugu weyn waa in aan dadaal kasta gelinnaa ka hortagga cudurkan innaga oo xoojineyna tayada iyo adeegyadeenna caafimaad.”

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Caafimaad XFS, dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha, Adeegayaasha iyo guud ahaan Bahda Caafimaadka dalkeenna dadaalka mugga weyn ee ay ku bixinayaan badqabka caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku shaqeynaya duruufo adag.

Sidoo kale waxaa uu ku ammaanay Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaalka ay ku bixisay in tallaalka Cudurka COVID-19 uu soo gaaro dalkenna ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn xooggan ee ka dhaxeysa Guddiga heer Federaal ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Guddiyada heer Dowlad Goboleed, taas oo aasaas u ah daadejinta adeegyada cafimaad ee lagu wajahayo cudurkan safmarka ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post