1128 Views

diyaaradda Turkish Airlines oo ka soo dagtay Muqdisho iyo Fahad oo aan la socon.

diyaaradda Turkish Airlines oo  ka soo dagtay Muqdisho iyo Fahad oo aan la socon.
____________________________________________________________________________

Sabti: September 18, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Aden Adde ay ka soo degtay diyaaradda Turkish Airlines oo shalay dib uga laabatay dalka Jabuuti, kaddib markii ay heshay amar ah in rakaabka saaran aysan Muqdisho iman karin.

Ilo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa VOA u xaqjiiyay in duulimaadkii maanta aanu la socon La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, oo ka mid ahaa rakaabkii duulimadkii shalay dib looga celiyay Jabuuti.

Sidoo kale vShalay, war saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti, iyadoo ku tilmaantay ‘mid aan sharci aheyn oo aan sii xoojineyn xiriirka labada dowladood’.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post