321 Views

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo socdaalkiisii Safarkiisii 8aad ku tagaya Dalka Uganda

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo  socdaalkiisii Safarkiisii 8aad ku tagaya Dalka Uganda
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 6, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisii Safarkiisii 8aad ku tagaya Dalka Uganda tan iyo markii xilka dib loogu doortay bishii May.

Xassan Shiikh ayaa waxaa Kambala uga bilaaban doonto booqasho qaadan doonta laba maalmood sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Labada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Yoweri Museveni ayaa shir guddoomin doona shir-madaxeedka maalgashiga iyo ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda.

Shirkan oo socon doona inta u dhexeysa 9-ka ilaa 10-ka bishan Ogosto ayaa looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhiaca dhaqaalaha iyo ganacsiga ee labada dal.

Uganda ayaa ka mid ah Dalalka ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada ugu badan ee nabad ilaalinta ah kuwasoo garab siiya Ciidanka xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab sidoo kalena waxay ka qayb qaataan Sugida amniga Madaxda sare ee dalk

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post