645 Views

Shir deg deg ah oo dhanka fogaan araga ah (Zoom-ka) oo hadda u socda Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubnaha Beesha Caalamka

Shir deg deg ah oo dhanka fogaan araga ah (Zoom-ka) oo hadda u socda Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubnaha Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

Shir deg deg ah oo dhanka fogaan araga ah (Zoom-ka) ayaa hadda u socda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha Beesha Caalamka, kaasi oo looga hadlayo xaaladihii u dambeeyay ee soo kordhay.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka markale ka dhex qarxay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu imanayaan shirkaan ayada oo xubnaha Beesha Caalamka ay xiriiro ay la sameeyen Madaxda dowlad goboleedyada kana dalbadeen in shirka Golaha Wada-tashiga Qaran uu si dhakhso leh ku qabsoomo, ayna yimaadan magaalada Muqdisho.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha shirkaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post