459 Views

Mareykanka oo gargaar milateri gaarsiiyay Ukraine xilli ay cirka isku shareertay xiisadda Ruushka iyo Ukraine

Mareykanka oo gargaar milateri gaarsiiyay Ukraine xilli ay cirka isku shareertay xiisadda Ruushka iyo Ukraine
____________________________________________________________________________


sabti january 22, 2022

Shixnaddii ugu horraysay ee gargaar milateri oo uu Mareykanku ansixiyay ayaa waxa ay gaartay magaalada Kyiv ee caasimadda waddanka Ukraine, kaddib ballanqaad cusub oo maamulka Madaxweyne Biden sheegay inuu dalkaasi ku siin doono gargaar milateri.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Kyiv ayaa sheegtay in shixnaddan ay ka koobneyd sagaashan tan oo ay ugu yeertay gargaar halis ah, oo ay ku jiraan rasaasta loogu talagalay ciidamada jiidda hore ee Ukraine. Moscow ayaa boqol kun oo askari soo dhoobtay xadka Ukraine.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli wadahadallo cad oo aanan waxba la isu qarin ay yeesheen Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareyanka iyo dhiggiisa Ruushka, sidoo kalana ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay ciidammada faraha badan ee uu Ruushku soo tubay xadka waddanka Ukraine.

Dhanka kale Madaxweyne Joe Biden ayaa Sabtida iyo Axadda waxa uu Xarunta Camp David kulan kulan qaadan doonaa kooxdiisa ammaanka qaranka iyagoo ka wada xaajoon doona xiisadaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka ee salka ku haya arrinta Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post