756 Views

Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo gaaray Garoowe

Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo gaaray Garoowe
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 15  202Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kusoo dhoweeyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho Muqdisho sidoo kale soo dhaweyntiisa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha , saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Wefdiga Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka DFS ayaa maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post