843 Views

Muqdisho oo xalay dilal qorshaysan ay ka dhaceen iyo Hay’addaha amaanka oo aan wali ka hadlin

Muqdisho oo xalay dilal qorshaysan ay ka dhaceen iyo Hay’addaha amaanka oo aan wali ka hadlin
____________________________________________________________________________

June 10 2021

Waxaa Magaalada Muqdisho xalay ka dhacay dilal kala duwan oo ay gaysteen Ciidamada Dowlada iyo Kooxo aan la garanaynin sida ay sheegeen dadka Deegaanka ee xaafadaha lagu dilay dhalinyaradaas..

Dilka koowaad ayaa ka dhacayy sida la sheegay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan waxaana wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Nuuradiin, waxaana toogasho ku dilay nin ku hubeysnaa oo la sheegay inuu ahaa askari, goobta ayuuna ka baxsaday.

Sidoo kale waxaa xalay wiil kale oo dhalinyaro ahaa kooxo hubeysan oo burcad ah ay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Dayniile, iyagoona kadib goobta isaga baxsaday.

Burcadda ayaa la sheegay inay marxuumka ka dhaceen taleefoon gacanta ah oo uu watay, balse ka hor murmeen, taas oo keentay inay rasaas ku furaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post