3153 Views

Suuqa Bakaaraha oo dab ka kacay

Suuqa Bakaaraha oo dab ka kacay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 10, 2019 –  Dab Xoogan ayaa ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga baqayo inuu kusii faafo goobo kale oo ka baxsan halka uu ka kacay.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay dabeylo xoogan ayaa ka jiray magaalada Muqdisho kuwaasi oo sii faafin kara dabka ka kacay caawa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Lama yaqaano waxa uu dabka ka bilowday, laakiin wuxuu markii hore ka bilowday qeybta Huudheyda ee Suuqa Bakaaraha, isaga oo goobo kale gaaray.

Dadweyne badan ayaa la arkayaa kuwaasi oo ku baxay goobahooda ganacsiga si ay kaga badbaadsadaan hantidooda inta uusan dabka gaarin.

Gurmad xoogan oo la doonayo in daba lagu joojiyo ayaa hadda socdo, waana markii afaraad oo dab sidaan u xoogan uu suuqa ka kaco labadii sano ee lasoo dhaafay.

Qorshe la’aan ka hortaga Dabka ayaa kordhin kara dababka magaalad ka kaca.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment