759 Views

Kaymo ku yaal Turkiga oo gubanaya iyo Kooxo dab demis ah oo la tacaalaya

Kaymo ku yaal  Turkiga oo  gubanaya iyo  Kooxo dab demis ah oo  la tacaalaya
____________________________________________________________________________

Sabti: july 31  2021

Kaymo ku yaal dalka Turkiga ayaa gubanaya, kumanaan Kooxo dab demis ah ayaa la tacaalaya dabka, maalintii saddexaad.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in afar ruux ku geeryoodeen, 183 kalana ku dhaawacmeen.

3 diyaaradood, Sagaal Drone, 38 Helikobtar, 680 baabuur dab damis iyo 4,000 oo shaqaale ayaa ka qayb qaadanaya deminta.

Kaymo gaaraya 70 ayaa dabku ka kacay, 14 ka mid ah ayaa wali gubanaya.

Kulayl jira ayaa la sheegay in dabku ka dhashay, dabeylo xooggan oo dhacayana ay sii hurinayaan, lakiin dowladda ayaa sheegaysa iney baarayso waxa dhaliyay dabka hal mar ka kacay kaymaha intaas tira le’eg.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post