270 Views

Laba Xidigle Xasan Ibraahim oo ka tirsan ciidanka Gor Gor oo ka warbixiyey muhiimada uu leeyahay degaanka Masaajid Cali-Gaduud

Laba Xidigle Xasan Ibraahim oo ka tirsan ciidanka Gor Gor oo  ka warbixiyey muhiimada uu leeyahay degaanka Masaajid Cali-Gaduud
____________________________________________________________________________

Isniin: OCTOBER 31, 2022

Laba Xidigle Xasan Ibraahim oo ka tirsan ciidanka Gor Gor ayaa ka warbixiyey muhiimada uu leeyahay degaanka Masaajid Cali-Gaduud ee gobolka Sh/Dhexe oo dhawaan ay Al-Shabaab ka xoreeyeen.

Sarkaalkaan ayaa warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee saldhiggii ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas, wuxuuna ka warbixiyey nolosha ka jirta deegaankaas.

Xasan Ibraahim wuxuu warbaahinta u sheegay in deegaankaas ay si wadajir ah u xoreeyeen ciidamada Danab iyo Gor Gor oo is kaashanaya.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay aad uga tiiraanyoonayaan dhibaatada iyo xasuuqa ay u geysanayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna balan qaaday inay furimaha ku soo afjarayaan.

“Waxaan nafteena ugu deeqnay qarankeena, maalin kasta waxay dilaan tobanaan masaakiin ah oo aan waxaba ka galabsan, anaga waa naga cararayaan, laakiin kama hari doono, hadii ay dhulka galaan waan ka daba geli doonaa, kama hari doono,” ayuu yiri Xasan Ibraahim oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Gor Gor.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka sii gudbayaan degaankaan ay xoreeyeen ee Masaajid Cali-gaduud, “Shabaab kama hari doono, waajibaadkeenu waa inaan soo afjarno kooxdaas, maanta deegaankii idinkugu muhiimsanaa waa kan waa xor,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii sarkaalkaan ayaa balan qaaday inay dib u dejin iyo garab istaag u muuji doonaan dadkii ay Al-Shabaab deegaankaas ku dhibaateynayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post