720 Views

Madaxweynaha Galmudug oo ka digay Muddo kororsi

Madaxweynaha Galmudug oo ka digay Muddo kororsi
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 12, 2021–Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi  Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ee dalka, khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo xaaladaha kale ee kajira dalka.

Madaxweyne Qoor Qoor oo Wareysi siiyay Tv-ga Somali Cable ayaa sheegay in dalka uu joogo xilli doorasho, isla markaana uusan ogolaan doonin in ay dhacdo muddo kororsi.

Waxaa uu sheegay in cid kastoo hortaagan doorashada Soomaaliya looga baahan yahay inay tanaasul sameeyso, isla markaana mas’uuliyadda laga sugayo qof walba uu qaato.

“ In iyada oo laga wada Shaqeeynayo danta guud dalka uu aado doorasho oo la geliyom heshiiskii shalay an galany sidaas ma aheyn ee waa la I qalday inta la iska daayo ee heshiiskii hala dhoowro ayuu yiri’ Qoor Qoor.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post