834 Views

Fiqi oo sheegay in howlgallada Al-Shabaab looga saarayo Gobolka Mudug uu soo bilowday 40 cisho ka hor

Fiqi oo  sheegay in howlgallada Al-Shabaab  looga saarayo Gobolka Mudug uu soo bilowday 40 cisho ka hor
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in howlgallada Al-Shabaab  looga saarayo Gobolka Mudug uu soo bilowday 40 cisho ka hor, isla markaana haatan laga gaaray guulo muhiim ah kadib markii lagala wareegay deegaanno dhowr ah oo ku yaal Gobolka Mudug.

Mudane Axmed Macalin Fiqi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in magaalada Camaara laga soo galay dhowr jiho, taasi oo keentay in ay ka baxaan Al-Shabaab magaalada Camaara, haatanna ay sii wadayaan dagaalka lagu jiro ilaa iyo inta laga saarayo degaannada Gobolka Mudug.

Waxaan rabaa inaan ugu bishaareeyo Hooyooyinkii arigooda ugu tabarucayay, kuwii raashinka Gaalkacyo, Cadaado iyo meelaha kale ka keenayay, Culimadii nala shaqeysay in dadkii shuhadada ee aan dhiigooda meel cidlo ah ku dhamaan in natiijo wax ku ool ah laga gaaray, cadowgiina uu dhabarka jeediyay,, laguna sii socon doono”. Ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa shacabka iyo Madaxda uga mahadceliyay kaalinta ay ku leeyihiin dagaalka lagula jiro A-Shabaab, isagoo ugu baaqay shacabka inay cadowga ka reebtaan waxkasta oo ay sitaan, maadaama ay yihiin dad ku dhuumaaleysanaya meelo yar, ayna ku bixi doonaan gacanta ciidamada qalabka sida.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post