1425 Views

Weerar Baangado loo adeegsadey oo ka dhacay Magalada Mombasa

Weerar Baangado loo adeegsadey oo ka dhacay Magalada Mombasa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 06,, 2019 —Kooxo Burcad ah ayaa la sheegay inay weerartay Goob ay ku sugnaayeen dad Shacab ah aadna u mashquul badan taas oo ku taalla Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Weerarka oo loo adeegsaday Mindiyo iyo Baangado ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday laba Ruux halka 13 kale ay ku dhaawacmeen ,kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Mombasa.

Taliyaha Booliska ee Magaalada Mombasa Johnston Ipara ayaa sheegay in kooxdaasi burcad ah oo lagu magacaabo wakali kwanza ay argagixyeen dadka ku dhaqan xaafadaha Kwa Bulo, Bamburi Mwisho, Bombolulu iyo Kisimani.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxaa ay Xaafada Magaalada Mombasa ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Kooxii ka dambeeyay weerarkaas dadka lagu dilay,waxaana sidoo kale la sheegay in dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment