1263 Views

Dowlada UK oo Dadka Ingiriiska ah ee kusugan Itoobiya ugu booqday in ay uga baxaan Deg deg

Dowlada UK oo Dadka Ingiriiska ah ee kusugan Itoobiya ugu  booqday in ay uga  baxaan  Deg deg
____________________________________________________________________________

Talaado: November 9, 2021

 Dadka Ingiriiska ah ee kusugan Itoobiya, ayaa lagu booriyey iney isaga baxaan inta ay duulimaadyada ganacsiga ah ay heli karayaan.

Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Africa, Fiki Ford, ayaa sheegay in dhiilada colaadeed ee dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya ay cirka isku sii shareertey, isagoo intaa ku darey in dagaalka haatan socda aannan lagu xalin karo cudud ciidan.

Waxaa haatan socda dadaalo caalami ah, kuwaasoo lagu dhex dhexaadinayo mucaaradka iyo dowladda Itoobiya.

Hey’addaha u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa sheegaya iney jiraan xiritaan aan kala sooc laheyn oo ka dhacaya caasimadda, kaasoo u muuqda in lagu bartilmaameed sanayo qawmiyado gaar ah.

Ugu yaraan sagaal xubnood oo katirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay, iyo kuwa kale oo la xiriira, ayaa lagu xirey Addis Ababa, sida uu sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay.

Si kastaba ha ahaatee, madaxa booliiska, Fasikaw Fanta, ayaa u sheegay BBC-da in kuwa la xirey loogga shakiyey iney taageerayeen TPLF, iyo kuwa kale oo ay dowladdu mamnuucdey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post