1053 Views

Guddiga FEIT oo ka hadlay halka ay mareyso shahaado bixinta Xildhibaanada labada gole

Guddiga FEIT oo ka hadlay halka ay mareyso shahaado bixinta Xildhibaanada labada gole
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

 Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEITMuuse Geelle Yuusuf ayaa ka warbixiyay howlaha shahaado bixinta halka ay umareyso iyo tiradii xildhibaanada labada aqal ee qaatay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in in shalay ay bilaabeen bixinta shahaadada Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad, isagoo Xildhibaannada iyo senatarada ka maqan Muqdisho ugu baaqay in ay soo gaaraan si ay u qaataan shahaadada rasmiga ah iyo aqoonsiga.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Guddoomiye Muuse Geelle in qorshahoodu uu maanta yahay in la diiwaangeliyo Xildhibaanada  iyo Senataro-da  diyaarka u ah qaadashada shahaadada & Aqoonsiga ( Id-Card-ka).

“Shahaado siinta Xildhibaannada iyo Senatarada labada Gole ee Baarlamaanka Federalka waa mid weli socota waxaa qadka kusoo jiro Xildhibaanno doonaya in ay qaataan, Mudanayaasha ka maqan Muqdisho in ay soo xaroodaan si howsha shahaado bixinta & dhaarta loogu gudbo si ay ugu gudbaan aqalkooda ama xaruntooda Baarlamaanka” ayuu yiri Guddoomiyaha FEIT Muuse Geelle

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in shalay ay bixiyeen shahaadooyin kor u dhaafayo ilaa 50 kuwaas oo iskugu jira labada aqal ee Baarlamaanka, isagoo xusay in howshaas ay wali socoto islamarkaana ay xarunta Guddiga soo garayaan xildhibaanno dhowr ah oo raba in ay qaataan shahaadada Xildhibaanimo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in maanta ay qorsheenayaan ilaa galinka dambe in  ay bixiyaan shahaadooyin gaaraya 70 ama 80.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post