2067 Views

Farmaajo Oo Maanta u Dhoofaya Dalka Imaaraatka Carabta

Farmaajo Oo Maanta u Dhoofaya Dalka Imaaraatka Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2017–Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa lagu waddaa in uu maanta ka ambabaxo Magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Madaxweyne Farmaajo Saacaddaha soo socdo ayaa lagu waddaa in uu u dhoofo dalka Imaaraadka Carabta.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu salka ku haayo xiisadda dhanka khaliijka ka taagan iyo sidii dowladda Imaaraadka uu kaga dhaacin lahaa go’aanka ay qaadatay Soomaaliya.

Bilihii lasoo dhaafay ma wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo Imaaraadka Carabta.

Waa Safarkii Labaad ee uu Madaxweyne Farmaajo  ku tagayo dalkaasi tan iyo markii la doortay 8 February ee Sanadkaan 2017-da.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment