684 Views

xaalad bini-adanimo oo xiligaan ka jirto Gobolka Jubbada dhexe

xaalad bini-adanimo oo xiligaan ka jirto Gobolka Jubbada dhexe
____________________________________________________________________________


Axad: June 5, 2022

 Waxaa laga deyrinayaa xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku nool gobolka Jubbada dhexe oo muddo sanado ah ay gacanta ku hayaan Alshabaab sidoo kalena ah gobolka kaliya oo ay si guud u maamulaan.

Xilligan oo dalka ay ka jirto abaar daran ayaa laga soo warinayaa gobolka in ay adag tahay in gurmad la gaarsiiyo dadka halkaasi ku sugan oo ay saameyn xoogan ku yeelatay abaaraha halkaasi ka jira.

Gudoomiyaha gobolka Jubadda dhexe Xaajir Bile Sugaal oo ka hadlay xaalidihii ugu dambeeyay gobolka ayaa sheegay in aysan ,macquul ahayn wixii xiligan ka dambeeya in Alshabaaab ay sii joogaan gobolka Jubadda dhexe, Waxa uu sheegay in ay la yihiin awood dheeraad ah oo ay Alshabaab kaga saaraan gobolka, taas oo xaaladda sii adkeysay.

Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo howgalka ATMIS ayuu ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan guluf dagaal dagaal oo ka dhan ah Alshabaab.

Muddo sanado ah Jubbaland waxaa ku adkaatay in alshabab ay ka saareen gobolka jubadda dhexe, waxaa dhowr jeer loo jeediyay baaqyo ku aadan in sida ugu dhaqsiyaha Alshabaab gobolka jubadda dhexe looga saaro inkastoo ilaa iyo hadda xaalku yahay sidiisii.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post